Doorashada aqalka hoose oo maanta Garoowe lagu soo gabagabaynayo.
December 12 2016 (Puntlandes)-Xarunta Jaamacadda bariga Africa ee magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in saaka lagu soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada federalka ah ee Soomaaliya.
Maanta ayaa waxaa lasoo dooran doonaa ilaa shan xildhibaan oo ah kuwa ugu dambeeya ee barlamaanka cusub, taasi oo kadhigan in Puntland ay soo afmeerto doorashada barlamaanka cusub.
Haddii Puntland ku guulaysato inay soo doorato xildhibaanada kasoo gelaya barlamaanka deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ee kujira xubnaha Soomaaliland, waxaa markale laysugu imaan doonaa doorashadooda.
Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo dhowaan soo gaarey Garoowe ayaa sheegay in xal laga gaari doono arrimaha xubnahaasi iyo meesha lagu dooran doono.