Afar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi oo Muqdisho lagu doortay.

December 12 2016 (Puntlandes)-Magaalada Muqdisho maanta waxaa dib uga bilaabatay Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi, waxaana kurisga 1aad kusoo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Federaalka Sahro Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, waxaana ay heshay codad gaaraya 48 cod.

Kursiga Labaad waxaa ku soo baxay Jamaal Xasan Ismaaciil oo horey uga mid ahaa Baarlamanka waqtigiisa uu dhamaaday, waxaana uu helay codad gaaraya 40 cod.

Kursiga Saddexaad waxaa ku soo baxday Faadumo Xasan Cali oo heshay codad gaaraya 49 cod, iyadoo kursigii Afaraad uu ku soo baxay Cabdullaahi Ismaaciil Ducaale oo helay 45 cod.

About The Author