Shirkii ugu dambeeyey ee Madasha oo ka furmi doona magaalada Muqdisho.
December 13 2016 (Puntlandes)-Waxaa lafilayaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka madasha qaran ee doorashada Soomaaliya, kaasi oo ujeedkiisu yahay dhamaystirka doorashada dalka.
Shirkaan ayaa waxa uu noqon doonaa kulankii ugu dambeeyeu ee madasha waxaana lafilayaa inay ka qaybgalaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madax ka socota maamul goboleedyada dalka Soomaaliya kajira.
Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashada gaar ahaan qoondada xildhibaanada aqalka hoose ee waqooyi ay kuleeyihiin gobolada Sool iyo Sanaag.