XOG: Cabdikarim Guuleed oo maalmaha socda ku dhawaaqi doona musharaxnimadiisa madaxweynenimo
14 dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxaa soo gaaray War lagu kalsoon yahay oo sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikarim Guuleed loo badniayo inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u taagan Xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdikarim oo iminka ku sugan Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa wuxuu ku jiraa qaban qaabadii ugu dambaysay oo uu ugu jiro inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan la filayo inay Doorashadeedu dhacdo.
Ma aha Cabdikarim madaxweynihii u horeeyey ee maamulada Soomaaliya ee isku soo taaga xilkan, horay waxaa ugu dhawaaqay inuuMusharax yahay Shariif xasan oo ah madaxweyanaha KGS.
Cabdikarim ayaa noqonaya mas’uulkii 4aad ee ku jira Madaxsha Hogaamiyayaasha Qaranka oo shaaciya inuu yahay Musharax madaxweyne, iyadoo horay auy u shaaciyeen madaxweynaha DFs Xasan Sheekh, Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo madaxweyanaha KGS Shariif xasan, ilaa hadda waxaan isa soo sharixin madaxweyanaha Puntland, madaxweyanaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweyanaha Hirshabeelle cabdulaahi Cosoble oo gadaal kaga soo biiray.
Wixii war ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com