XOG: Maraykanka oo si adag u diidan inuu dhaco kulanka loo balansan yahay 15ka ee Barlamanka cusub

14 dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo Xog ogaal ah oo lagu kaldsoon yahay ka ogaatay in dawlada Maraykanku ay si adag u diidan tahay inuu dhaco kulanka Xildhibaanada Cusub ee loo balansan yahay 15 bishaan December 2016.

230-2a8

Markanka oo si aad ah uga soo horjeeda siyaasada Kooxda DAMUL JADIID ayaa sheegay inay u muuqato ku shubasho CAD oo dhanka Doorashada ah hadii si deg deg ah loo wajaho kulamada ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka cusub ee Jamhuuritadda Federaalka Soomaaliya ayaan la soo Dooran dhamaan Xubnihiisa laba Aqala, waxaana wali dhiman kuraas gaaraysa 27 ee ka soo galaya gobolada Waqooyi oo Aqalka Hoose ah iyo 11 kursi oo Aqalka Sare ah,

Kooxda DAMUL JADIID ee ka talisa Villa Somalia ayaa waxay doonaysaa inay qaab aan sharci ahayn wax loo maamulo, iyadoo u aragta inay danteedu ku jirto rabtana inuu dhaco kulanka ugu horeeya iyadoo aysan soo dhamaystirmin xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Wixii war ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author