Gaalkacyo: Dhalinyarad Gurmadka abaaraha iyo Dagmada Gaalkacyo oo shaqo wadajir ah Bilaabay (Sawirro+Warbixin)

Dhalinyaro iska abaabushay magaaladda Gaalkacyo, una istaagtay sidii ay gacan caawinaad ah uga gaysan lahaayeen, samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayaa hawlahoodii ka bilaabay Dagmada Gaalkacyo iyo Galdogob.

Dhalinyarada oo uu weheliyo gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo ayaa waxaa ay gurmad biloow ah gaarsiiyeen Deegaanada kala ah, Xero-Jaale iyo Qod-Gaashaan, deegaanadaan waxaa la gaarsiiyey, Biyo, Caano, Timir iyo Sharaab.

Gurmadka dhalinyarad Gobolka Mudug ayaa Xero jaale ugu deeqay 5booyadood oo biyo ah, sidoo kale waxaa loogu deeqay 160qoys oo lasiiyeyo Timir, Caano iyo sharaab, Dagmada Gaalkacyo ayaa iyaduna ugu deeqday 4booyadood, oo ay sheegtay in uga soo reebtay qoondo ay ugu tala gashay dagmada Gaalkacyo, maadama baahi badani ka jirto Xero Jaale, Darisna ay la tahay dagmada Gaalkacy.

Qod gaashaan ayaa dhalinyaradu gaarsiisay 2booyadood oo biyo ah, waxaa sidoo kale gaarsiiyey Timir, Caano iyo sharaab, oo looqaybiyey 50qoys, Dagmada Gaalkacyo ayaa sidookale iyadau ku kabtay 2booyadood oo hor dhac ah.

Gudoomiya yaasha deegaanada Qod-Gaashaan iyo Xero jaale ayaa, ayaa iyaguna dhankooda sheegay, in aay uga mahad celinayaan dadaalka la sameeyey, sidoo kalana waxaa ay uga mahad naqeen dadkii lasoo baxay dhaqaalahaan, ee maalkooda soo sadaqaystay, waxaana ay sheegeen in ay aad u jilicsan yihiin.

Ugudoomiyaha Xero jaale ayaa waxaa uu baaq u diray, Jaaliyadda Reer Xero Jaale, waxaana uu ka codsaday in ay dadkooda dhibka kala qayb qaataan, waxaa uu xusay in ay maanta tahay maalinkii hiilkooda loo baahanaa, lana doonayey in loo baxsado qurba joogta.

Gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo ayaa ka mahad celiyey dadaalka dhalinyarada, waxaana uu sidoo u mahad celiyey dadkii maalkooda lasoo baxay ee soo aaminay, Gudoomiyaha Dhalinyarad Gobolka Mudug ayaa isaguna dhankoosa sheegay in ay dhalinyaradu tahay xoogii dadka ayna markasta u taagan yihiin sidii ay dadkooda ugu gar gaari lahaayeen.

 

SAWIRRO

img_4760 img_4763 img_4769 img_4790 img_4810 img_4816 img_4817 img_4837 img_4866 img_4873 img_4892 img_4940 img_4969 img_5061 xero-jaale-1 xero-jaale-2 xero-jaale-3 xero-jaale-4 xero-jaale

About The Author