DHEGEYSO-Wasaaradda haweenka iyo xafiiska xuquuqda aadanaha oo kahadlay buug Garoowe laga qaybiyey.

December 15 2016 (Puntlandes)-Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland iyo xafiiska xuquuqul aadanaha ee dowladda Puntland ayaa sheegay inaysan waxba kala socon buugaag kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo dastuurka Puntland oo Hay’ad ka shaqaysa Puntland ka qaybisay Garoowe.

Buugaagtaan ayaa loosoo hoosgeliyey 16-ka maalmood ee kahortaga tacadiya kadhan ah haweenka iyagoona ay ku qoran yihiin nuqulo kamid ah qoraalo kadhan ah diinta Islaamka, dastuurka Puntland iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiirka haweenka Anisa Cabdulqaadir iyo gudoomiyaha xafiiska madaxa banaan ee xuquuqda Insaanka Maxamed Yuusuf Cali oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in buugtaas laga qaybiyey xuskii maalinta xuquuqda aadanaha iyo 16-ka maalmood ee kahortaga tacadiya kadhanka ah ahweenka.

DHEGEYSO CODADKA

About The Author