Doorashadii Xubnaha Aqalka Hoose ee Muqdisho Ka Socotey Oo Hakad Lageliyey.
December 17 2016 (Puntlandes)-Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee ka socotay Muqdisho.
Hakinta ayaa kadhalayheysto soo xulista ergooyinka dooranaya beelaha, sidoo kale waxaa khilaafka qeyb ka ah loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku dagaalamaya xubnaha Gobolada waqooyi.
Illaa 19 Kursi oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay lagu doortay magaalada Muqdisho, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo aaday aqalka Hoose, waxaana dhiman 27 xildhibaan.