DHEGEYSO-Mid kamid ah beelaha gobolka Mudug oo taageertay doorashadii Garoowe kadhacay.
December 17 2016 (Puntlandes)-Waxgaradka iyo odayaasha beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamuud), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa taageeray hanaankii ay u dhacday doorashadii qalada sare iyo hoose oo dhowaan Garoowe kadhacday.
Odayaasha iyo waxgaradka ayaa kasoo horjeestey hadal kasoo yeeray odayaal kale oo dhowaan Garoowe shirk u qabtay, kuwaasi oo sheegay in doorashadu aysan u dhicin hab caddaalad ah.
Nabadoonka guud ee beesha Maxamed Cumar Siciid Axmed Warsane (Soocadde), oo kahadlay madasha ayaa sheegay in beeshu ay taageersan tahay Madaxweynaha dowladda Puntland iyo qaabkii Islaam Bashiir u dejiyey xubnaha labada aqal.
DHEGEYSO