Sawirro: Xildhibaan Saleebaan oo 1000$ ku deeqay taakulaynta dadka ay Abaaruhu saameeyeen

17 dec 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Xildhinaanada cusub ee Gobolka Mudug ee Puntland u matalaya Aqalka Hoose Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la filayo inuu qabsoomo kullankooda u horeeya iyagoo dooran doona madaxda Qaranka ayaa  ku deeqay 1000$ Taakulaynta dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Mudug.

233-1b8

Xildhibaan Saleebaan ayaa maalintii shalay ahayd ee ay taariikhdu ahayd 16ka december 2016ka waxa uu ka qayb galay kullan ballaaran oo lagu Qabtay Hotel Guure ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo loogana hadlayey sidii loogu Gurman lahaa Dadka reer Guuraaga ah oo ay Abaartu aadka u saamaysay noloshooda.

Kullanka oo ay kasoo qayb galeen Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Nabadoono , waxgarad, ayuu halkaas wuxuu ka jeediyey Xildhibaan Saleebaan Maxamuud xaashi khudbad uu uga hadlay in midnimada la xoojiyo iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay Abaartu saamaysay ee ay noloshoodu halista ku jirto haddii ugu horayn aysan helin Raxmada Allah ama aysan ka helin Taakulayn dhan walba ah dadka walaalahooda ah ee wax haysta,

Xildhibaan Saleebaan ayaa isla Goobtii ku baxshay lacag dhan 1000$ oo uu uga qayb qaatay Taakulaynta dadkaas dhibaataysan, isagoo ka codsaday dhamaan dadka walaalaha ah ee wax haysta ee ku kala nool Gudaha dalka iyo Dibadaba inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkaas dhibaataysan, wuxuuna Xildhibaanku Allah uga baryey inuu Raxmadiisa Roob siiyo ummadda Soomaaliyeed oo ay meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jirto Abaar Xoolihii Soomaliya aad u laysay hadana laga Cabsanayo halista soo foodsaartay dadka reer Guuraaga ah.

Kullanka oo ay ka hadleen dad badan Nabadoono iyo waxgarad ah laguna magacaabay Guddi ka shaqeeya Taakulanta dadka Dhibaataysan ayaa ugu dambayntii waxaa ugu dambaynti soo xiray Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mid ah Isimada Puntland gaar ahaanGobolka Mudug, isagoo ugu mahadnaqay kasoo qayb galayaasha iyo dhamaan dadkii Dhaqaalaha ku taageeray Gudaha iyo dibadaba oo uu ka mid Xildhibaan Saleebaan.
233-2b6

233-2b6a

233-2b6c

233-2bb
Puntlandes.com

About The Author