Sawirro: Madaxda Hogaamiyayaasha Qaran oo maanta la kulmay guddiyo xaaladda abaaraha qiimeyn ku soo sameeyey

18 dec 2016 (Puntlandes) Madaxda hoggaamiyeyaasha madasha watashiga Qaran ayaa maanta kulan la qaatay xubno guddiyo ah oo qiimeyn ku sameeyey xaaladda abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Madaxda madasha ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiyada ah oo ay ku jiraan, guddiga abaaraha, guddiga u adkeysiga aafooyinka iyo xubno ka socdey dowlad gobolleedyada dalka ka jira, warbixintoodu waxa ay sheegtay in abaartu ay tahay mid ku sii baaheysa gobollo cusub, una baahan in si deg deg ah looga jawaabo dhibaatadaasi.

Madaxda ayaa uga mahadceliyey guddiyadaan howsha ay soo qabteen, waxa uu sheegay in dhowaan ay si wadajir ah u soo saari doonaan baaq caalami ah oo xaaladda abaaraha ku saabsan, sidoo kale la sameyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan guddi heer Qaran oo abaabula gurmadka loo baahan yahay.

Xaaladda Abaaraha dalka ka jirta, ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana laga cabsi qabaa haddii aan si deg deg ah wax looga qaban in ay noqoto middii dalka ka dhacdey sanandkii 2011-ka oo kale, laakiin dowladda ayaa wadda dedaallo xooggan oo looga jawaabayo abaarta baahsan.

BH0A5720

BH0A5730

BH0A5759

BH0A5778

BH0A5783

BH0A5787

BH0A5788

BH0A5789

BH0A5793

BH0A5797

BH0A5798

Puntlandes.com

About The Author