Dhagayso: AMISON oo Gobolka Shabeellaha Hoose 11 qof oo Rayid ah ku Dishey

19 dec 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali oo loo yaqaan Najax ayaa waraysi uu siiyey VOA ku xaqiijiyey in ciidamada AMISON ay labo goobbood oo kala duwan ku kala dileen 6 iyo 5 ruux oo shacab ah.
233-2d5
Gudoomiye Najax ayaa sheegay in duleedka magaalada Qoryooley ay AMISON ku dileen 6 qof, kadib markii ay Baasuuke ku dhufteen gaari ay saarnaayeen. Halka duleedka Markana uu gaari ay AMISON leeyihiin uu jiirey reer gurigoodi ku jira oo ka koobnaa hooyo iyo 4 caruur ah.

Dhagayso Waraysiga VOA la yeelatay Gudoomiye Najax


Puntlandes.com

About The Author