Safarka uu ku imanayo Puntland wasiirka 1aad ee DFS ”Shimbiyahow heesa…”

Garowe(Pes) Xukuumada uu hogaanka u hayo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas (MOOGE) ayaa waxay gashay markay xafiiska la wareegtay in ay daba oroda kooxda Villa Wardhiigleey ee uu madaxda u yahay Xasan Culusow iyadoo iska indha tirtay rabitaanka shacabka reer Puntland.

Waxaa ugu yaabka badan oo lagu xusuusan doonaa Xukuumada Gaas sugitaankii waqtiga dheer qaatay, 10 ka bilood, ee ay ku sugaysay Wafti uun uga yimaada Villa Wardhiigleey. Iyadoo la ogaa meesha ay taalay Puntland markii ay Xafiiska la wareegeen iyo in Puntland la baryi jiray lana sugi jiray iyada

Maxaa Cusub Caawa?.

15116

Hada Caawa oo ay taariikhdu tahay 9 ka okt 2014 waxaa damaashaad iyo rayn-rayn ku jira kooxdii Isbedeldoonka uu madaxa u ahaa Dr Gaas iyagoo waxa kaliya ee ay la dabaaldegayaan ay tahay Wasiirka 1aad ee Xasan Culusoow oo maalinka beri ah ugu imaanaya Garowe si la isugu sawiro dibna loogu helo Tabar ama Energy shacabka reer Puntland  lagu marin habaabiyo. Waxaa wax garad badan is waydiinayaa waxa ay samayn lahaayeen haddii Culusoow u iman lahaa?

Muxuu soo kordhin karaa Wasiirka 1aad?

188

Waa eber ama waxba. Hal arin ayaa safarkiisu ku salaysan yahay.

  1. In uu jiro iskhilaaf isaga iyo Xasan Culusoow

Haddii isaga iyo hogaamiyihiisu meel u wada socdaan ma yimaadeen Puntland maxaa yeelay marka ay ugu yaraato waa in uu saxiixaa caalamkana u sheegaa in uusan Gobolka Mudug ku jirin waxa loo samaynayo maamulka Gobolada dhexe haddii isaga iyo Culusoow na heshiis yihiin taas ma samayn karo. Maxaa yeelay Culusoow iyo tolkii waxay is tuseen sidatan hoose:

  • Mudug iyo Galgaduud ay noqdaan dowlad xubin ka Federaalka oo Habar Gidir leedahay
  • Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Abgaal
  • Caasimadii hore labadooday ka dhaxaysaa?

329109 106 470

Dowladnimo Xamar ma taal mana laga sugayo marka waxaa fiicnaan lahayd in aynu iswaydiino xagee ka shaqaynayaa Heshiiska uu saxiixaa Cabdiwali Sheekh Wasiirka 1aad ee Culusoow. Tii Gaas saxiixay markuu wasiirka 1aad ahaa ha la waydiiyo meesha ay ka shaqaysay?

Dadka yaan la marin habaabin safarka Wasiirka Xasan Culusoow waa ”Shimbirayahow heesa heesa hees wanaagsan heesa”

Puntlandes.com

 

About The Author