Daawo Video-Sawirro: Dood Cilmiyeed lagu qabtay Garowe oo ku saabsan Doorashada Dadban ee Soomaaliya

20 dec 2016 (Puntlandes) Xarunta horumarinta ee Salaama oo kaashanaysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa shalay Jaamacadda PSU ku qabtay Dood cilmiyeed looga hadlayey Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya 2016 lagu soo doortay labada Aqala eeBaarlamaanka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Dood cilmiyeen ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Aqoonyahano, Ardayda Jaamacadaha iyo Masuuliyiin ka socotay Dawladda Puntland oo uu hurmuud u ahaa Wasiirka Waxbarashada Dr, Abshir Yuusuf Ciise.

Doodaan ayaa waxaa lagu lafo guray arrimo ay kamid yihiin:

  • Soomaalida iyo dimuqraadiyada
  • Tilmaamaha Hogaanka Wacan ee marxaladaan cusub
  • Dowlad wanaaga
  • Isla xisaabtanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr. Abshir  Yuusuf Ciise ayaa hoosta ka xariiqay in ay laga maarmaan tahay in si cilmiyin ah looga falanqoodo marxalada hadda lagu jiro ee Doorashooyinka .

Dr. Cabdi Samad Axmed Jaamac oo kamid ah masuuliyiinta Xarunta horumarinta ee Salaama ayaa sheegay inay madashaan ugu talo galeen in looga doodo hogaamiyaha leh tilmaamaha wanaagsan iyadoo laga eegayo aragtida cilmiyeed.

Aqoonyahanadii madasha ka hadlay ayaa jeediyay mowduucyo muhiim ah oo ka hadlayay Soomaalida iyo dimuqraadiyada, tilmaamaha hogaamiyaha wanaagsan iyo maamulka wanaagsan iyo isla xisaabtanka.

Daawo Muuqaalka Dooda ay soo Qaban qaabisay Xarunta horumarinta ee Salaama

Daawo Sawiradda.












Puntlandi.com

 

 

About The Author