AUN waxaa Bosaso lagu dilay Agaasimihii Madaxtooyadda Bosaso ee Puntland

20 dec 2016 (Puntlandes) Waxaa galabta  magaalada Bosaso  lagu dilay Agaasimihii Madaxtooxyada dawlada Puntland ee Bosaso AUN Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur, waxaana  la sheegayaa inay dabley hubaysan ay madaxa ka toogteen isagoo fadhiyay mid ka mid ah baararka magaaladda.

93_big

Dhagar qabayaasha dilay Agaasimaha ayaa dhowr xabadood madaxa kaga dhuftay, isagoo fadhiyay  Huruuse Hotel oo ku yaal bartamaha magaaladda, waxaana la sheegay ragii dilk gaystay ay goobta ka carareen.

Puntlandes.com

About The Author