TACSI TIIRAANYO LEH oo ay Reer Yuusuf Dhuux u dirayaan Qoyskii AUN Marxuum Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur
Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun
Waxaa galabta magaalada Bosaso, 20kii dec 2016, lagu dilay AUN Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur oo ahaa Agaasimihii Madaxtooxyada dawlada Puntland ee Bosaso, waxaana dishay Gacan ka Xaqdaran.
Anagoo ah dhamaan reer Yuusuf Dhuux waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Marxuumka Caruurtiisii, Xaaskiisii, Eheladiisa iyo Asxaabtiisii waxaan kaloo Tacsi gaar ah u diraynaa dhamaan Qowska reer Huruuse Yuusuf Canshuur.
Waxaana Allah uga baryaynaa inuu Janatul fardowsana ka waraabiyo Marxuumka samir iyo Iimaana ka siiyo Qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey, Amiin, Amiin