SAWIRRO: AUN AGAASIMIHII MADAXTOOYADA BOSASO AADAN-GAAS HURUUSE OO MAANTA LA AASAY
Magaalada Bosaso ayaa maanta waxaa lagu aasay Allaha u naxariistee Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso Aadan-Gaas Huruuse Yuusuf Canshuur oo koox hubeysan shalay ku dishay magaalada Bosaso.
Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaso, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Saraakiil, Qoyskii Marxuumka iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan
Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo, Gudoomiyaha gobolka Bari oo Aaska ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka ay ahaayeen saaxiibo isku dhow, isagoona tacsi diiranyo leh u diray shacabka reer Puntland.
Dhedo ayaa sheegay iney Hayaan Xogo Badan oo La xiriira Kooxii ka danbeeyay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhaca magaalada kuwaas oo loo geysto saraakiil ka Tirsan Puntland
“Dadweynaha reer Puntland waxaan u sheegayaa in aysan ka argagixin waxyaabihii ka dhacay magaalada, waxaan haynaa xogtooda, dhawaana, waa soo bandhigi doonaa, waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay la shaqeeyaan ciidanka ” Ayuu Yiri Dhedo oo hadlayay Aaska Kadib,
waa masuulkii labaad ee ka tirasan Puntland oo mudo todobaad gudihi ah lagu dilo magaalada Boosaso.
Puntlandes.com