Daawo Video-Warqado: Bosaaso oo la mataanoowday Minneapolis

Golaha deegaanka ee Magalada Minneapolis Gobalka Minnesota Dalka Maraykanka  ayaa u codeeyey  inay mataano yihiin Magaalooyinka Bosaso iyo Minneapolis.

Jaaliyada Somali ee ku nool halkaas ayaa soo buux dhaafiyey hoolka ay ka socotay u codeynta qorshahan, Markii lagu dhawaaqay natiijada ayaa hoolka waxaa ka dhacay dabaal deg oo ay dadweynihii halkaas joogay ay ku  soo dhoweynayaan meelmarinta Mataanaynta labada Magaalo.

Magaalada Bosaaso ayaa noqonaysa magaaladii 12-aad oo la mataanowda magaalada Minneapolis, iyadoo dad badan ay sheegeen in faa’iidooyin kala duwan soo kordhin doonto.
Halkan ka daawo Video ga

Puntlandes.com

 

 

About The Author