Dhagayso: Eng. Camay” Wada hadalka DF iyo Somaliland haddaan la balaarin,Shir beeleed ayuu noqonayaa”

Garowe(Pes) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camay o oka hadlayey wadahadalada DFS iyo Somaliland wuxuuna yira waa lama huraan in  balaaro shirarka ay wada galayaan masuuliyiinta DFS iyo mamulka Somaliland inuu u ekaanayo shir qabiil oo labadaasi dhinac wada yeelanayaan, wuxuna masuuliyiinta Villa Somalia ugu baaqay in shirarkaasi la balaariyo.

Eng. Camay  ayaa hadalkan ka jeediyay xafladii xalay lagu qabtay madaxtooyadda oo lagu soo dhawaynayay wafdiga Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ay lama huraan tahay in ay Puntland ka qayb gasho wada hadalka Muqdisho iyo Hargaysa maadama laga hadlayo waxyaabo umadda Soomaaliyeed ku saabsan.

Halkan ka dhagayso

Puntlandes.com

About The Author