BREAKING NEWS: Wafdi culus oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano & Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ku wajahan Dudun
29 dec 2016 (Puntlandes) Kadib markii ay shalay ay ka dhacday Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Lyuu Boolisja Dawlad Deegaanka Itooboya (DDSI) oo soo weeraray dadka deegaanka Dudun gaar ahaan Xaafadda Tuulo Xanan oo ku taala dhanka Xadka Soomaaliya ayaa waxaa goor dhawayd ka baxay magaalada Gaalkacayo wafdi ballaaran si loo soo xaliyo dhibta dhacay.
Ciidanka DDSI weerarkay ku qaadeen shalay Dudun qaybta Soomaaliya ayaa waxa uu sababay dhimashada 6 ruux oo sadexna tahay dadka deegaanka sadexna tahay Ciidanka DDSI.
Waxaa goor dhawayd ka baxay magaalada Gaalkacayo wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan Wasiiro ka tirsan dawlada Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo xildhibaano, iyagoo ujeedada Safarkoodu uu yahay inay xallinta xiisada colaadeed ee deegaanka Dudun ka jirta.
Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay hada xaaladu degan tahay inkastoo ay xiisad colaadeed ka taagan tahay oo ay labada dhinacba waa Ciidanka DDSI iyo dadka deegaanka e ay gurmadyo Ciidan keeneen goobta.
Waxgarad dadka Deegaanka Dudun ah oo lasoo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ku baaqayaan in Nabada laga shaqeeyo labada dhanba oo arinta la xakameeyo, maadaama aysan cidna Dani ugu jirin.
Wixii war ah oo la xiriira arintan kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com