Dhagayso-Sawiro: Wasiirka 1aad DFS Cabdiweli oo furay shirka wada xaajoodka DF iyo Puntland

 

 

Garoowe (Pes): 11 Oktober 2014 Wasiirka 1aad DFS Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay shir ay si toos ah ugu wadahadlayaan DFS iyo Puntland, shirkaas oo sadex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey labada ergo ee wada hadlaya iney maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada shaqaynta DFS iyo Puntland .

Shirkan wada hadalka DFS iyo Puntland ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex maray Xukuumadihii hore ee Dawladda Federaalka iyo Puntland. Ra’iisul Cabdiweli Sheekh ayaa ku dhiirrigelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya iney la yimaadaan daacadnimo iyo iney ka turjumaan duruufaha ku xeeran DFS iyo Puntland, isla-markaana uu heshiiska la gaarayo noqdo mid la dhaqangelin karo.
”Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Shirkaan aan maanta furayno wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida xiriir wanaagsan iyo wada shaqayn dhex marta Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu
”Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is bedeleysaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan beri caqabad kugu noqon doonin” . Ayuu raaciyey Mudane Cabdiweli Sheekh
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee ku yaalla magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Tv-ga iyo Idaacadda Puntland,Wasaaradda Cadadaalada, wasaaaradda deegaanka iyo Xabsiga Dhexe, waxana uu halkaasi kula kulmay hawl-wadeenada iyo masuuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeysto warbixino
Halkan ka dhagayso qaybta 1


qaybta 2

 

Sawirada halkan ka daawo
481

488

487

486

485

484

483

482

Puntlandes.com

About The Author