Dhageyso- sawiro: Wasiirka 1aad DFS iyo madaxweynaha Puntland oo kormeer ku sameeyay xarumaha dowlada iyo goobaha waxbarashada.

(Pi Garoowe) Wasiirka 1aad DFS C/Weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kormeer ku sameeyay wasaaradda waxbarashada iyo qaar kamid ah jaamacaddaha iyo dugsiyada sare.

Kormeerkaan oo qeyb ah ka ah booqashada uu Wasiirka 1aad ku joogo magaalada Garoowe waxaana ku wehliyay madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Eng, Cabdi Xakiim Cumar Camey. wasiirka waxbarashada iyo xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka 1aad ayaa ugu horayn kormeer ku sameeyay wasaaradda waxbarashada Puntland halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta waxbarashada iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda oo lulayay sawirka wasaaraha.

 

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa kormeerka kadib wuxuu Wasiirka 1aad  Cabdiwlei gudoonsiiyay shahaado sharaf uu ku mutaystay booqashadiisa uu ku joogo gudaha Puntland.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa kadib booqday xarunta hay’adda PDRC halkaas oo uu ka socday shir looga tashanayay siyaasada lagu maamulidoono deegaanka.

 

Halkan ka dhagayso

 

 

Halkan ka daawo sawirada
500

501

502

503

504

505

506

507

508

509

510

511

512

513

514

515

516

517

518

519

520

 

Puntlandes.com

About The Author