Dhageyso- sawiro: Puntland oo u gumanaysa Gobolka Gedo
Garowe (Pes): Waxaa maanta dhacday xarunta Jaamacada Barriga Africa Munaasbad lagu soo dhaweynayey Wariirka 1aad looga hadlay qaabka looga qayb qaadan karo abaaraha ka jira Gobolka Gedo oo ay dad u dhinteen.
Aadan Sheekh Doon Cali oo ah Gudoomiyaha guud ee Jaamacada Barriga Africa ayaa sheegay in ay u istaageen sidii looga qayb qaadan lahaa taakulaynta iyo u gargaarida dadka ku dhibaataysan gobolka Gedo oo abaaro xoogan ka jiraan.
Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay qayb lixaad leh ka gaysanayso taakulaynta iyo Gargaarka walaalaha Gedo, Madaxweynaha waxa uu xusay in dhawaan gudi loo magacaabayo gargaarka Gobolka Gedo.
Wasiirka 1aad DFS C/wali Sheekh Axmed ayaa Dowladda Puntland iyo Dadka Puntland uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jiraan gargaarka Gobolka Gedo, C/wali ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka gaabisay u gargaarida gobolka Gedo oo dhaqaale badan u baahan balse hada ay wadaan xoojinta gargaarka abaara Gedo.
Halkan ka dhagayso.
Sawiro