BREAKING NEWS: MUUDEEY OO KA GUULAYSTAY FAARAX C/QAADIR
12 Jan 2017 (Puntlandes) Tartankiisa gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka JFS ayaa xildhibaan Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey waxaa uu Cod Aqlabiyad ah kaga guulaystay Faarax Cabdibaadir.
Musharax Cabdiweli Ibraahim Muudey kaga guulaystay Faarax Dam Jadiid codad gaaraya 164-Cod halka uu Faarax uu helay codad gaaraya 93-cod oo kaliya
Faarax Cabdiqaadir oo ahaa hogaamiyaha kooxda DAMUL JADIID ee Villa Somalia ka talinaysay 4tii sano ee u dambaysay uuna ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.
Guuldarada Faarax waxay si cad u bayaamonaysaa in aydan Xasan Sheekh xildhibasnadani DOORANAYN, waana guul usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed.
Badda warbaahinta Puntlandes waxay hambalyo u dirayaan gudoomiye Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey guusha uu ka gaaray Doorashada, waxay kaloo ugu hambalyaynayaan xildhibaanada Soomaaliyeed sida xilkasnimada ah ee ugu hiiliyen shacabka ay matalaan.
Puntlandes.com