Sawiro: Jaaliyadda Puntland Ee Dalka Norway oo dooratay Gudoomiye iyo Afhayeen

Waxaa maanta lagu qabtay caasumada dalka Norway Oslo doorashada Jaaliyadda Puntland ee wadankaas, taas oo ku timid ka dib markii uu dhamaaday waqtigii guddigii horre ee Jaaliyadda oo ahayd 2 sano.

Doorashada Guddiga Jaaliyadda lagu dooranayo oo ahayd mid gacan taaga ayaa waxa ku tartamay xilka Gudoomiyaha Jaaliyadda PDF labo Musharax oo kala ahaa Cabdifitaax Cabaas Cali (Dheere) iyo Maxamed Cabdiqaadir Xussen Nuur ( Dirir) .

Dad lagu qiyaasay 150 qof oo ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Norway ayaa kasoo qayb galay doorashada oo ka qabsoontay magaalada Oslo, Iyadoona ay u dhacdey qaab dimuqraadiyad leh.

Ka dib furitaankii shirka Jaaliyadda Puntland ay ku dooranayeen madaxda hogaaminaysa Jaaliyadda labada sano ee soo socota ayaa la gudo galay doorashada labada musharax lagu kala saarayo.

Iyadoona xiriiriyaha shirka oo ahaa Jamaal uu shacabkii meesha fadhiyay waydiiyay ,Inta rabta Cabdi Fitaax Cabaas inuu noqdo Gudoomiyaha Jaalliyadda inay u gacan taagaan waxa uuna helay Cabaas dadkii madasha fadhiyay 3 meelood 2 meel

Mar kale ayuu Jamaal su,aalay dadkii madasha fadhiyay Inta rabta Maxamed Cabdulqadir Xuseen inoo noqdo Gudoomiya jaaliyadda inay u gacan taagaan waxa uuna helay 3 meelood hal meel.

Intaas ka dib ayay shaaciyeen guddiga doorashadu natiijada labada musharax ee ku tartamay hogaaminta Jaaliyadda, kuwaas oo sheegey inuu ku guulaystey labada sano ee soo socota Gudoomiyaha Jaaliyadda Norway ee Puntland Cabdifataax Cabaas Cali .

Halka uu aqbalay natiijada kasoo baxday doorashada Musharaxii laga guulaystey oo ahaa Maxamed C/qaadir uuna ugu hambalyeeyey Mr Cabaas masuuliyadda adag ee uu qaaday labada sano ee soo socota.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegey in doorashadu u dhacdey qaab dimuqraadiyad ah islamarkaana ku salaysan cadaalada Isagoona intaas ka dib Maxamed Cabdulqaadir isku sharaxay inuu qabto Afhayeenka Jaaliyadda PDF dalka Norway waxaana si aqlabiyad leh u doortey dadkii madasha fadhiyey oo idil.

Waxaana laga sugayaa labada masuul ee loo doortey hogaaminta Jaaliyadda Puntland ee Norway inay soo dhisaan xubnaha kale ee ay ka koobnaan doonto Jaaliyaddu , kuwaas oo si toosa ula wareegay hogaaminta Jaaliyadda labada sano ee soo socota.

Dhamaan kasoo qayb galayaasha xaflada doorashada Jaaliyadda ayaa si weyn ugu hambalyeeyey masuuliyiinta kusoo baxday doorashada PDF Norway.

Afhayeenka Jaaliyada PDF
Maxmed Cabdulqaadir Xussen Nuur (Dirir)

Halkan ka daawo sawirada
528

529

531

532

534

535

536

537

538

539

540

541

542

830

 

Puntlandes.com

About The Author