Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ku baaqay in laga digtoonaado wax walboo colaad ka abuuri kara gobolka Mudug

Col. Axmed Maxamed (Caalim) madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug  ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo sidii dadka deggan gobolka loogu astayn lahaa xal waara oo ku salaysan wada daganaasho iyo daris wanaag labada dhinaca.

Col. Caalim ayaa carabka ku dhuftay in mudadii uu madaxda ka ahaa Galmudug uu ku dadaalay sidii looga fogaan lahaa wax walboo dhalin kara xiisado siyaasadeed oo isku badali kara dagaal dad ay ku dhintaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday in la dhamayn doono xiisadihii siyaasadeed ee dhawaan ka aloosmay gobolka Mudug, isagoo dhinaca kale bulshada gobolka Mudug ugu baaqay inaysan u hogaansamin una heelanaan dad aan danahooda ka talinayn.

” Dadka reer Mudug waxaan leeyahay nin raran yuusan idin rarin”, sidaas waxaa yiri m/weynihii hore ee Galmudug Col. Caalim

Caalim, ayaa bilihii danbe ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ha yeeshee haatan wuxuu ka soo kicitimay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Axmed Maxamed Caalim ayaa dhawr sano oo uu hayay hogaanka Galmudug waxaa lagu xusuusan doonaa wada shaqayn uu la lahaa maamulka Puntland oo xiligaas uu hogaankiisa hayay Dr. C/raxmaan Sh Maxamed Maxamuud (Faroole), wuxuuna qayb ka ahaa xubnihii geeddi socodka nabadda ee Road Mapka.

Xigasho: Raxanreeb.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author