Warbixin+Sawirro:Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug Oo Gurmad Raashin Ah Gaarsiiyay Dadkii xooluhu ka dhamaadeen
Gudiga gurmadka abaaraha ee gobolka mudug ayaa waxaa ay gurmad raashinka qaybihiisa kala duwan ah gaarsiiyeen dadkii reer guuraaga ahaa ee dhawaan xoolahooda abaartu dhamaysay kuna soo xarooday magaalooyinka.
Degmada xarfo,Degmada Jariiban, Degmada Saaxo, iyo degmada towfiiiq ayaa la gaarsiiyay gurmad waxaana loo qaybiyay dadka degan xero cayreedyo ay samaysteen duleedka magaalooyinka madama aysan awoodin inay magaalada gudaha u galaan.
Xasan Maxamed khaliif Gudoomiyaha gobolka mudug ayaa sheegey in dhamaan deeqihii lasoo gaarey lagu qaybiyayx xeerka dowlada Puntland u jaan goysay qaybinta deeqaha ayna jiraan magaalooyin dad badan kusoo xarooden sida jariiban iyo galdogob.
Xubno kamida Gudiga gurmadka abaaraha ayaa ka mahad celiyay dhamaan dadka deeqaha soo direy dal iyo dibad ayna deeqaha u bixinayaan si wanagsan hadana xaalka uu yahay in dadkii labad baadiyo maadama duunyadii dhamatay
Hoos kadhagayso
Sawirrada Hoos Kadaawo