R.W Cabdiweli oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladda dhexe iyo Puntland

Muqdisho, 14, October, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo Puntland, wuxuna ku tilmaamay heshiiska inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo dhismaha dowladdo federaal ah.

550

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay xubnaha guddiyadii ka socday dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ka mirro dhalinta iyo ka gudbidda qodobadii labada ku kala aragti duwanaayeen, isagoona tilmaamay Wadahadalkan qaatay saddexda maalmood in uu muhiim u yahay iskaashiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta gaareen dowladda dhexe iyo Puntland, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro mad-madowgii jiray” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay maanta gaareen guddigii labada dhinac. Heshiiskan ayaa lagu soo afmeeray mad-madowgii ka dhex jiray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed 
Warbaahinta Xafiiska R.W

 

About The Author