Dhagaayso:Dowlada Puntland Oo 130 Booyadood Oo Biyo Ah Gaarsiisay Degmada Tuka Raq

Masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland iyo hay,ada biyaha tamarta iyo khayraadka dabicigaa ee dowlada Puntland  ayaa waxaa ay gaareen degmada tukaraq ee gobolka sool waxaana ay geeyeen 130 booyadood oo biyo ah.

Biyahaan gaaraya 130 ka booyadood oo biyahaa ayaa waxaa loo qaybin doonaa dadka xoolihii ka dhamaadeen ee kusoo xarooday degmada iyo meelaha dhow waxaaa biya dhaankaan uu yahay wajigii koowaad ee dowlada Puntland ka daah furto.

Agaasimaha deeqaha iyo gurmadka wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland cawil maxamed xirsi iyo musatafe maxamed xirsi isuduwaha hay,ada biyaha Puntland ee gobolka sool ayaa waxaa ay sheegeen ay jiri doonaan biyo dhaan kale oo dadka lasoo gaarsiin doono.

Hoos ka dhagayso

About The Author