Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo bilowday Habka Qiimaynta Waxbarashada Dadka Waawayn
Waxaa Maanta hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay shir lagu qiimaynta habka Waxbarashada dadka waayn Waxaana ka soo Qayb galay khuburo Waxbarashada dadka Wayn Aqoon dheeri u leh.
Waxaa kulankaa furay agaasimaha Waxaada Waxbarashada Dadka waawayn ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare safiyo sugule oo aad uga hadashay ahmiyada ay leedahay waxbarashada dadka waa wayn iydoo ku tix galisay khubradan inay dib u eegan muqaararka Waxbarashada Dadka waawayn.
Waxay sheegatay Safiyo Maamo oo ah Agaasimaha waaxada inay ku faraxsan yihiin dadaalada socda ee lagu hormarinayo waxbarashada dadka waawayn oo uu ku tilmaamay arin muhiim ah oo qeyb weyn ka ah siyaasada waxbarashada Puntland
Iyadoo la tix raacayo nidaamka guud ee Waxbarashada dadka waawayn waxaa la samaynayaa dib u eegista iyo lafo gurida muqararka Waxabarshada Dadka waawayn, si loo eego xiriirka ka dhaxeeya Waxbarashada Guud ee Puntland iyo Muqararka Waxbarashada Dadka Waawayn.
Ugu danabyntii in la soo saaro hab lagu qiimaynayo Waxbarashada Dadka Waawayn si ay uga suurto gasho inay ka qayb galaan dadka waxbarashada waawayn.
Hoos ka Daawo Sawiradda