Maxaa ka qaylosiinaya “reer Muqdisho”?

Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Madaxweynaha inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada

http://www.jowhar.com/?p=3111

555

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada u dhaxeeya ee ku saabsan qaadista canshuuraha magaalada Muqdisho,iyadoo Maamulka ku doodayo in la duudsiiyay xaqii ay u lahaayeen inay qaadaan canshuuraha gudaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Maamulka Gobolka ayaa sheegay in dowladda hoose ay xaq u leedahay inay qaado canshuuraha gudaha, isagoo xusay in Wasaarada Maaliyada aanay aheyn inay canshuuro ka qaado magaalada Muqdisho oo kaliya

“Dowladda hoose waxay xaq u leedahay inay canshuuro gudaha magaalada Muqdisho inay qaado, xuduudaha inay canshuurto, ma ahan in wasaarada Maaliyada inay canshuurto dekeda Muqdisho oo kaliya, wax ala wixii canshuuro gudaha ah waxaa is kaleh Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa rabnaa inay wax kala xadeysan yihiin”ayuu yiri Cali Seeko.

Cali Seeko ayaa sheegay in qoondadii Maamulka Gobolka uu ku lahaa dekeda Muqdisho oo aheyd dakhliga ka soo xarooda in laga siiyo 15% ay wali la’yihiin, isagoo xusay in ilaa 164-kun oo doolar oo la bixiyay aanay qasnada ku jirin, isla markaana aan la ogeyn meel ay ka baxday.

“Wali waxaan la’nahay 15%, marka aan leenahay Madaxweynaha ha soo fara geliyo waa tan 164-kun oo dolar oo foojir ku qoran qasnadiina lacag kuma jirto, xagee ka baxday, waxaa u baahanahay in la xisaabtamo, dekeda lacagtaas waa laga soo qaaday qof jeebkiisa miyay gashay”ayuu yiri Cali Seeko.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ilaa iyo hada ay maqan tahay gunadii dowladda Hoose iyo Maamulka Gobolka ay qaadan lahaayeen, isla markaana lacagtiina la bixiyay, akoonkiina aanay ku jirin.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in xoogii dadka in meel walba lagu canshuurayo, isla markaana wasaarada maaliyada ay meel kasta taagan tahay, isagoo xusay in haweenka caanaha keena la canshuurayo, cooskii magaalada la keenayay la canshuurayo, dhagaxii guryaha lagu dhisayay la canshuurayo, taasna aanay aheyn wax sax ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay si kulul uga hadlay canshuuraha wasaarada maaliyada ay ka qaado magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay in aanay sharci aheyn, waxaana uu ka digay hadii ay sidan ku sii socoto inuusan ku sii fikiri karin in xilkiisa sii haayo.

Wasaarada Maaliyada ayaa sheegtay inay faah faahin ka bixin doonto arrintan, isla markaana ay ka jawaabi doonto waxa ka run ah cabashada ka soo yeertay maamulka Gobolka Banaadir.

 

About The Author