Sawirro+Warbixin:- KULAN KU SAABSAN HORMARINTA XIRIIRKA WARBAHINTA IYO MAMULKA GOBOLKA MUDUG IYO KOR UQADISTA AMAANKA WARFIDIYEENKA IYO XORIYO U HADALKA OO GAALKACYO KA DHACAY
Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay kulan u dhaxeeyayWariyaasha iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug.Kulanka ayaa looga hadlayay horumarinta xiriirka warbaahinta iyo Maamulka Gobolka iyo kor u qaadista ammaanka warfidiyeenka iyo xorriyad u hadalka.
Waxaa kulanka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Khaliif,Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Col, Cismaan Xassan Cuuke, Isuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada Puntland, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Mudane Dalmar Maxamed Cali.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Mudane Dalmar Maxamed Cali oo kulanka daahfuray ayaa ku amaanay Ururka MAP dadaalka uu u galay horumarinta xiriirka warbaahinta iyo Maamulka, wuxuuna intaas raaciyay In suxufiyiinta Gobolka Mudug ka hawlgasha ay yihiin kuwa utaagan ka shaqeynta wanaaga.
Isuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa dhankiisa sheegay in shirkani uuahaa mid si weyn loogu baahnaa isagoona sheegay qodobada kasoo baxa inay wax weyn ka tarayaanisku xirnaanta Wariyaasha iyo Maamulka.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu wanaagsan yahayxiriirka Wariyaasha iyo Maamulka, isagoona sheegay in ay jiraan mad madow soo kala dhexgala mararka qaar wariyaasha iyo Maamulka loona baahan yahay in arimahaasi xal laga gaaro.
Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Col, Cismaan Xassan Cuuke ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan uu la leeyahay Wariyaasha haatanna uu diyaar u yahay in uu si wanaagsan ula sii shaqeeyo Wariyaasha isla markaana uu u fududeeyo wixii xafiiskiisa uga soo xirma Furitaanka iyo hadaladii masuuliyiinta kaddib waxaa la guda galay in laga doodo qodobo muhiim u ahaa
mawduuca shirka kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, Kor u qaadista xiriirka Maamulka iyo tan Wariyaha Caqabadaha ay la kulmaan Wariyaasha marka ay tagaan xafiisyada dawladda, aragtida MaamulkaGobolka ee ku aadan hawlaha shaqo ee Warbaahinta, kalsoonida saxafiga marka ay soo wajahdo xaalad amni iyo qodoba kale oo muhiima.
Gunaanadkii shirka ayaa waxaa Wariyaasha iyo Maamulka Gobolka Mudug ay soo jeediyeen Talo soo jeedin iyagoona ku dhawaaqay qodoba muhiim ah oo labada dhinac ay heshiis ku yihiin iyagoona u arkay in qodobadaasi ay yihiin kuwa horumarinaya xiriirka warbaahinta iyo Maamulka Gobolka iyo kor u qaadista ammaanka warfidiyeenka iyo xorriyad u hadalka.
W/Qoraalka nasoo gaarsiiyay Awil Maxamuud Cabdi
Sawirrada Hoos Ka Eeg