(Warbixin+Sawiro) Suxufiyiinta Galkacyo oo gurmad gaarsiiyay qayb kamida qoysaskii ku cayroobay abaaraha.
kaamka cusub ee Taala-Cad oo ah kaamka ay joogaan dadka ugu badan ee ku xoolo waayay abaarta ka jirta dalka qatarna ugu jira inay nafta u waayaan biyo la’aan iyo tabar dari cuna la’aan aawadeed ah ayaa maantay la gaarsiiyay deeq yar oo isu jirta raashiin iyo biyo.
Nolosha kaamka ayaa ah mid arga gax leh una baahan in gurmad dal iyo dibada lala soo gaaro waxaana deeqdan maantay gaarsiiyay Agaasimihii hore ee Radio daljir Galkacyo Abdinaasir Mohomaed Cali oo ay soo wakiilatay Idil Bullale oo ah gabar ku sugan dalka ingiriiska.
“Wax badan ma aanan wadin blse15 qoys ee ugu daran ayaan u qaybinay raashiin sida bariis timir caano iyo saliid sidoo kale waxaan kaamka ugu deeqnay labo booyadood oo biyo ah “
Sidoo kale Abdinasir ayaa ugu baaqay dadka somaliyeed kuwa Puntland iyo xukuumada inay gurmad dag daga lasoo gaaraan dadka la dhibaataysan abaaraha ka jira dalka.
Qaar kamida qoysaska deeqdan la gaarsiiyay oo ay kamid tahay gabar kaamka mataano ku dhashay ayaa u mahadceliyay Idil Bulale iyo suxufiyiinta deeqda gaarsiiyay.
“Waan u baahnayn waxaan nagu jira dad waayeela kuwo xanuunsan iyo qaar naafo ah labo bilood ayaan kaamkan joognay waxba nama soo gaarin qayr Allaha siiyo gabadha gurmadka noo fidisay.
Dadka kaamkan ku sugan ayaa ah kuwo waagii baryaba gurmad ka naawilaya Masuuliyiinta dowlada Puntland shacabka somaliyeed iyo kuwa reer Puntland.
Qoraalka Waa Nosoo Direy C/naasir Maxamed Cali