6 qodob oo ka soo baxay fadhigii maanta ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS

24 jan 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka oo kulankoodii ugu horeeyey ku leh magaalada Muqdisho ayaa soo saaray illaa 5 qodob oo ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

flag_of_somalia-svg

Qodobada ayaa ah:

1-In guddiga doorashada heer federaal kaliya ay goob-joog ka noqon karaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

2-In ciidamada amniga ee sugaya goobta doorashada Madaxweynaha ay si toos ah uga amar qaadan doonaan guddoonka golaha shacabka Qaranka.

3-In dhaqaalaha laga qaado musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya loogu deeqo wax ka qabashada xaalada abaaraha ka jira.

4-In Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha la weydiiyo su’aalo dood wadaag ah oo wax looga weydiinayo waxqabadkooda.

5-In la sameeyo guddi madax-banaan oo ka hortaga arrimaha la xiriira musuqmaasuqa.

6-In guddiga doorashada madaxweynaha laga dhigo 16 xubnood oo 6 ka mid ah ay iman doonaan aqalka sare, 10 kalena aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.

Puntlandes.com

About The Author