Ganacsade Xaaf oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo Xilka madaxweynaha Galmudug
24 jan 2017 (Puntlandes) Ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) kana mid ahana jiray Xildhibaanadii waqtigoodu dhamaaday ayaa maanta waxa uu ku qabtay Muqdisho Xaflad balaaran oo uu kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u tartamaya Xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.
Kooxda Damul Jadiid ee uu ka tirsan yahay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ee ay xilka ka qaadeen Xildhibaanda Galmudug, kuna gacan sayray xil ka qaadistaas ayaa waxaa looga guulaystay hardankii ama xarig jiidkii ka jiray madaxtinimada maamulka Galmudug.
Musharax Xaaf ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta saamaynta wayn leh oo aadka ugu ololaynayey in xilka laga tuuro Cabdikariin.
Puntlandes.com