Xukuumada PL oo bixin kari la’ mushaaharka shaqaalaheeda halka uu masuqmaasuqu kordhay

Gaalkacyo (Pes) Waxaa cabashooyin iyo qaylodhaan ka imaanayaan dhamaan shaqaalaha dowlada, pp kala duwan maadaama Xukumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku guuldatraysatay in ay bixiso mashashaarka shaqaalaheeda tan iyo intii talada uu qabatey madaxweyne Gaas isagoo ku mashquulay Xaflada isadabajoog ah iyo in uu warqado farabadan oo fadlan u qoro dad gaar ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa sheegaya in ay ku maqan tahay dowlada Gaas afar bilood oo mushaharaadka shaqaalaheeda ah.

Ciidamada dowlada ee u tagaan difaaca Puntland ayaa ka mid ah shaqaalaha uu mushahaarku ka maqan yahay.

Dakhliga dowlada Puntland kasoo gala dekada Bosaso iyo baraha kale ee cashuurta looga qaado ganacsatada ayaa aad u kordhey intii ay talada haysay Xukuumada Gaas iyagoo hirgaliyey Canshuuro farabadan oo aan hore u jirin. Waxaana dad ku takhasusay Cilmiga dhaqaalaha iswaydiinayaan meesha uu maray dakhligaas faraha badan ee soo xarooday.

Cida kaliya ee xukuumada Gaas ay midhaa cabsi u siiso bilwalba mushahaarkooda ayaa ah xubnaha Barlamaanka kuwaasoo sida uu warka ku helay Puntlandes aysan bilna ka maqnayn.

Sida ay warar lagu kalsoon yahay ku heshay Puntlandes waxaa dib u bilowday warqadihii ku caanka ahaa ”Faldanta” ee qori jiray dadka la rabo in la naas nuujiyo iyadoo aysan helin mushahaarkoodii shaqaalihii dowlada oo ay Puntland ku taagnay. Waxaa la xaqiijinayaa in ay sii siyaadayso warqadaha Fadlanta ah halka lagu doortay madaxweyne Gaas sanadkan bilowgiisii Cdaalada iyo hurumar.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in aysanba soo gelin qasnada dowlada canshuuraadka ka soo xarooda Magaalada Gaalkacyo iyo Airporka Cabdulaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo rag Xulufo la ah madaxweyne Gaas ay Ceeriinka ku qaybsadaan. Waana Canshuurtii looga qaaday muwaadiniinta reer Puntland in loogu adeego waxa Ceeriinka lagu qaybsanayaa!

Puntlandes.com

About The Author