Dhagayso: Khaliif Ciise Mudan “Jil jileec baa ka jira Puntland “
Wasiirkii horre Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay sababta uu qoraalada ka hadlaya xaalada Puntland iminka ku sugan tahay ugu faafiyey warbaahinta Somalida todobaadyadii lasoo dhaafey. Qoraaladaas ay uu kaga digayey Mr Mudan inay meel halis ah madaxa la galayso Puntland.
Khaliif Ciise Mudan oo haatan ku sugan Nairobi ayaa ku sheegey wareysi uu siiyey Radio Garowe inuu u muuqdo jileec ka jira Amniga,Dhaqaalaha iyo Siyaasada Puntland, Isagoona taas sabab uga dhigay bixin la,aanta mushahaarka ciidamada bilo badan, iyo fahan darida ka jirta mowqifka siyaasadeed ee Xukuumada Madaxweyne Gaas.
Dhagayso wareysiga Khaliif Ciise