Daawo sawiro: Shirka Maalgashiga Africa oo maanta ka furmay
Galkacyo(Pes) Waxaa maanta Magalada London xarunta Dalka Ingiriiska ka furmay shirka Maalgashiga Africa oo masuuliyiin Africaan ah lagu caasumay, kaasoo ay soo qaban qaabisay shirkad caalami ah oo wax soo saarka shidaalka ka shaqaysa.
Masuuliyiinta Puntland,Rwand, Uganda, Tanzaaniya iyo Gana ayaa kasoo qayb galay wuxuna socon doonaa mudo labo maalmood ah,waxana shir gudoominaya madaxwaynihii Naigeria “Olusogun Obasango” .
Shirka waxaa furay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Britain ee William Huge oo hadda jooga xafiiska aqalka hoose ee Baarlamanka Ingiriiska.
Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa wuxuu ka jeedindoonaa khudbad shirkani, taas oo uu ku abaari doona qorshaha Dawlada Puntland ee dhinaca maalgashiga iyo guud ahaanba Soomaliya oo isagu uu Metelayo
Dhanka kale waxaa madaxwaynayaashii ka soo qaybgay shirkan oo uu ku jiro Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Adiweli M. Ali Gaas iyo qado sharaf usamaysay Boqorada Dalkani Ingiriiska Queen Elizabeth , qado sharaftaas oo ay boqoradu ugu sameeyey Aqalka Boqorooyada ee Magaalada London.