Dhagayso: Col, Ciro ”DFS waxay na tiri Puntland- Nugaal iyo Bari kaliya”

Galkacyo(Pes) Waxaa maanta idaacada afka somaliga ku baxda ee VOA ay doodeedii Gaabnayd uu ku saabsanaa, sidii maalmahan ay idaacadaha Xamar Taageera u wadeen barobugaanda, heshiiskii 14 kii bishan ay ku saxiixdeed dawlada Puntland iyo DFS caasimada Puntland ee Garowe.

Doodaas waxaa ka qaybqaatay laba nin oo kala ahaa Daqare iyo Col Ciro. Col Ciro waxaa doodiisa ka mid ahaa ”in ay Gobolada Nugaal iyo Bari noqonayaan Puntland halka Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay iyana maamul noqonayaan sidaas ayey DFS nagu tiri waana taas tan hada la rabaa in la jabiyo waana taas tan la diidan yahay in laga laabto”

Hore ayey Warbaahinta Puntlandes usoo daabacday in qorshaha ay kooxda Villa wardhiigleey wataan ee ku salaysan damaca bililiqaysiga ah uu yahay ama ay ku riyoodeen in ay Puntland sedex u kala jarjaraan sida

  1. Sool iyo Sanaag
  2. Nugaal iyo Bari
  3. Mudug oo la raaciyo Dhuusamareeeen

Waxay Warbaahint Puntlandes amaan gaar ah u jeedinaysaa Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas iyo Xukuumadiisa  sida ay uga difaaceen Gobolka Mudug kooxdan magacii dowladnimada Somaliyed raba in ay ku dhacaan Gobolka Mudug ee uu nambarka sagaalaad u xuran yahay Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid.

 

Halkan ka dhagayso doodii VOA

Puntland.com

About The Author