Daawo:Shirkada Soma Oil & Gas oo wajigabax kala kulmay shirkoodii London

611

Shirkada la magac baxday Soma Oil & Gaas oo ah shirkad qandaraas ka heysata Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada London ku qabatay kulan ay ugu magac-dartay Maalgashiga Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya, shirkan ayaa ahaa mid feer socday Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Afrika (Global African Investment Summit 2014) oo isna shalay ka bilowday caasimada UK.

Shirkada Soma Oil & Gaas ayaa shirkeeda soconayey hal maalin (Somali Oil & Gaas Summit) ku qabatay Hotelka Jumeirah Carlton Hotel ee ku yaal London, waxaana lagu galayey lacag gaareysa £1,260.00 balse markii danbe lacag la’aan laga dhigay, kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen shirkadihii waaweynaa ee la casumay.

Shirkadaha waaweyn iyo saxaafadda caalamiga ah ayaa dhamaantood iska xaadiriyey Shirweynaha Maalgashiga Afrika (Global African Investment Summit 2014) oo ka dhacay Hotel Savoy ee bartamaha magaalada London, kaasi oo ay ka qeyb galeen Hogaamiyayaasha dalalka Afrika.

Shirka Somali Oil & Gaas ayaa ah mid hoos tagta kooxda lagu magacaabo CWC Group oo heshiis kula galay Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud dhanka maareynta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, wallow heshiiskan aan Baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn.

CWC Group

610

Kooxdan CWC Group waa shirkado yar yar oo laga leeyahay qaarkooda dalalka Afrika iyo Carabaha kuwaasi oo leh isbaheysi ay ku maalgashtaan hadba dalka ay danta ka leeyihiin ama ay rajeenayaan inay dhaqaale ka helaan khayraadka dhulka iyo bada laga soo saaro.

126

Madaxweyne Xassan oo ka baaqday London

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa lagu casumay inuu ka qeyb galo shirka Somali Oil & Gas balse arrintan ayuu ka baaqday.

Warar laga helayo Madaxtooyada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu sheegay in sumcadiisa ay meel uga dhaceyso inuu noqdo Madaxweynaha kaliya ee ka qeyb galaya shirka Somali Oil & Gas oo ka dhacayey Jumeirah Carlton Hotel, xili ay isla maalintaasi Madaxweynayaasha Afrika ay ka qeyb galayeen shirweynaha ka socday Savoy Hotel oo ahaa mid ay dowlada UK si weyn u taageeraysay, shirkaasi oo si gaar ah loogu casumay Dowlada Puntland wafdi ka socda oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Sawirada Shirkii Horumarinta Afrika

589

701

609

607

601

598

593

Madaxweyne Xassan ayaa shirkada Somali Oil & Gas usoo diray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee DFS Daa’uud Maxamed Cumar oo khudbad lagu akhriyey afsoomali kasoo jeediyey.

Halka ka daawo shirkii Somali Oil & Gas ee ka dhacay Jumeirah Carlton Hotel

Halkaana ka akhri warkii ay Hiiraanonline ka qoratay

http://www.hiiraan.com/news/2014/Oct/wararka_maanta20-58765.htm

612

Xigasho:horseedmedia.net

Puntlandes.com
 

About The Author