Sawirro: Bandhigga Buugga Badbaadada Qoyska oo Gaalkacyo ka dhacday
Bandhig Buug: Badbaadada Qoyska
18 feb 2017 (Puntlandes) Maalinimadii Khamiista Feb. 16, 2017 waxaan magaalada Gaalkacyo si weyn loogu soo dhaweeyay Eng. Cabdirisaaq Cali Max’ed oo buuggiisa ‘‘Badbaadada Qoyska’’ ku soo bandhigay markii ugu horraysay madaashii ugu horraysay magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu Gaalkacyo ku doortay in ay tahay hoygii aqoonta Soomaaliyeed. Aabbeyaasha soo maray ee caanka ah waxaa ka mid ah: Cusmaan Yuusuf Keenadiid ninkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee far allifa; Shire Jaamac oo ah ninkii allifay farta aynu maanta adeegsano (is na reer Mudug ayuu ahaa); Yaasiin Cusmaan oo ah ninkii ugu horreeyay ee Qaamuus AF Soomaali ah qora; Xasan Cali Mire oo ah ninkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee shahaadada PhD dhammaystira; iyo wali ba kuwo kale sida Prof. Maxamed Jaamac oo laftiisu far Soomaali allifay walaw aan la qaadan fartaas.
Waxaa xafladda bandhigga buugga ka soo qayb galay Guddoomiyeha Gobolka Mudug Md. Xasan Maxamed Khaliif, M/Xigeenka Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL Gobolka Mudug Md. Cabdirisaaq Baraag, Guddoomiyeha Dhalinta Gobolka Mudug Md. Jacfar Yuusuf Cabdalle, gacanasato, dhallinyaro iyo aqoonyano kale ba.
Waxaa buugga loo rajeeyay guul iyo in uu gadmo, faafo oo baraaro inta ba. Qoraagu na waxa uu Gaalkacyo u rajeeyay in ay bawaaqowdo oo aqoonta Soomaaliyeed sii hoggaamiso.
Hoos ka Daawo sawirradda