Sawiro:Shirkii Maalgashiga Africa oo maalintii labaad socda iyo madaxwayne Gaas oo khudbad ka jeediyay

Shirweynahan loogu magac daray ” Globel African Investment Summit” ama Shirweynaha maalgashiga Afrika ayaa waxaa uu galay maalintii labaad ee lagu lafa gurayo qaabka loo horumarin Afrika.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli ayaa kulamadii uu maanta ka qayb qaatay oo ahaa kuwo Madaxweynayaashaa Afrika iyo Shirkadaha waa weyn ee Adduunkaa gaar gaar u qaadanayeen ahaayeen kuwo lagu lafa guray suuqa dhaqaalaha Afrika.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa kulankaasi ka sheegay muhiimada ay leedahay sidii loo sahli lahaa habsami usocodka dhaqaalaha Afrika, iyo sidii loo horumarin lahaa ilaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika,
Wadada keliya ee loo mari karaana ay tahay in marka hore kaabayaasha dhaqaalaha xooga la saaro sida:- Sida Wadooyinka, Dekadaha, Garoomada.

Qodabadii waaweynaa ee faadhigii maanta lagu shuqliyeyna waxaa ka mid Xooga Afrika ” Power In Africa” taasi oo micnaheeda lagu sheegay in Afrika ay ubaahan tahay sidii dhaqaale xoogleh lagu abuuri lahaa, si looga baxo dhibaatoyinka badan ee ay la daalaadhacayso Afrika.

Kulankii maanta oo u badnaa wadaxaajoodka fadhiyada gaarka ah ka dhacayey ee loo yaqaano “Round Table’s” ayaa waxaa lagaga wada hadlayey fadhiyada qaarkood ka faa’iidaysiga macaadiinta ceedhiin ama khayraadka badan dhulka hoostiisaku jira  amaba guudkiisa saaran.

Dhinaca dalxiiska ayaa isagana la sheegay inay Afrika tahay meel hodan ku ah oo dhaqaale badani kasoo xeroon karo haddii lagu fur furo maskax aqoon badan u leh.

Sidoo kale goobaha aadka looga hadlay ayaa iyana waxaa ka mid ah dhinaca Isgaadhsiinta Afrika oo la sheegay inay aad u danbayso loona baahan yahay in wax badan laga bedelo oo haddii laga badeli lahaa wax badan ay ka geysan lahayd amuurtaasi dhinaca horumarinta dhaqaalaha.

Shirkan oo uu Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli ka qayb qaadanayo ayaa waxaa lasoo gebi gebaybndoonaa caawa fiidadkii, isla marahaantaana aanu idiin soo tebin doonaa qodobada ugu waaweyn ee kasoo baxa.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland
613

614

615

616

619
Puntlandes.com

About The Author