Sawirro: Midoowga Yurub “Illaa 2020 Mushaaraad ayaan Siineynaa Booliska Soomaaliya”

2 marso 2017 (Puntlandes) Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan “Farkeeti” iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa waa ka qayb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreya Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa  maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa intii uu socday Waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda Dhaqaale iyo Ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha Ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta Ciidanka.

Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar ay ugu talagaleen, Ayna diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dib u dhiska Ciidanka Boliiska gaar ahaan dhanka Mushaaraadka, qalabka iyo tababarka, Iyo Sidoo kale daryeelka Askarta da’da ah ee ku gaboobay hawsha Boliiska.

Gabagabadii Shirka Waxaa hadalka qaatay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, isagoo dhankiisa caddeeyey in Boliisku uu tusaale yahaydib u habeynta Ciidamada Amniga Dalka.

Puntlandes.com

About The Author