Daawo Video: Dufcadii 8aad ee Ciidamada Badda Puntland PMPF oo tababar loo soo xiray

2 marso 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Saldhiga Ciidamada Badda ee Magaalada Bosaso Dufcadii 8aad ee Ciidamada Badda Puntland (PMPF), taasoo gaaraysa 300 oo askari oo muddo tababar u socday.

Munaasabadaas aya waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Puntland, waxaana ka mid mid ahaa Taliyaha Ciidan Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax isagoo sheegay inay maanta u tahay Ciidanka Badda Puntland maalin wayn maadama ay Dufcaddii 8aad ka qalin jabisay Tababar muddo u sicday isagoona u mahadceliyey dawlada UAE oo taagerta Ciidankan.

a

Waxaa kaloo Munaasadda madaxdii ka hadashay ka mid ahaa Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland (PMPF) Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan isagoo la dardaarmay Ciidamada maanta Tababarka dhamaystay wuxuuna yiri “maanta wixii ka dambeeya waxaad ka mid noqonaysaan Ciidamada Puntland Difaaca” Agaasime Cabdiraxmaan ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u istaagaan sidii ay Waajibka dalkooda ka saaran u gudan lahaayeem.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa Ciidamada Badda Puntland (PMPF) waxa uu ka qabtay shaqo wayn oo muuqata marka laga eego dhan walba sida kororka iyo Tayanta Ciidanka. Agaasime Cabdiraxmaan ayaa hore soo noqday Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna noqdayna Duqii Gaalkacyo soo mara ee ugu shaqada wacnaa intii ay Puntland jirtay.

Daawo sawiradda
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10
Puntlandes.com

About The Author