Sawirro: Wax ka ogow Horumarka ka socda Gobolka Sanaag ee Puntland
3 marso 2017 (Puntlandes) Dawlada Puntland oo kaashanaysa shacabkeeda gaar ahaan kuwa Gobolka Sanaag ayaa waxay iminka ka wadaa Gobolka Sanaag Horumar lixaad leh oo aan horay Gobolkaas usoomarin.
Dawlada Puntland iyo shacabkeeda oo ka duulaya halhayskii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa u istaagay Horumarinta Gobolka Sanaag.
Hadaba Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda la wadaagaysaa Horumarka ka socda Gobolka Sanaag ee Puntland kuwaas oo aynu kasoo qaadanayno:
1.Wadada Ceel-Daahir & Ceergaabo
2. Jaamacada Maakhir
3. Sollar lagu xidhay cisbitaalka Badhan & Xingaloo.
4. Sollar la gelinayo 4 shaarac oo ka mid ah magaalada Badhan.
5. Taangi loo dhisyo ceelka xingalool iyo Biyo gelin ka socota magaalada xingalool
6. Riig laga qoday cawsane.
7. Seylada iyo xarunta daaweynta xoolaha..
8. Biyo gelin loo rajaynayo magaalada Badhan
9. Haro ama war biyood.
10. Balaadhinta korontada magaalada badhan.
Dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waa dawladii ugu horaysay ee Puntland oo ka dagta Laamiga dheer ee isku Xira Gaalkacyo-Boosaaso, iyadoo dalka ka dhistay Ceelashii Biyood oo ugu badnaa intii Soomaaliya ay Xornimada Qaadatay iyadoo ay Baahi aad u wayn dadka reer Puntland u qabeen Wado iyo Biyo Nadiif ah ayna labadaas ku Guulaysatay dawlada Dr Cabdiwali.
Puntlandes.com