Daawo Baaq Nabadeed Odaaysha & Waxgaradka Puntland “Maanta Qalalaase & iska hor imaad Puntland uma baahna,,haddii Shaqsi wadana ha ka waantoobo..”

3 marso 2017 (Puntlandes) Iyadoo ay dhawaan Ciidan ay Koox gooni ah soo abaabushay ay waqti yar Carqaladeeyeen Xarunta Baarlaamka ayaa waxaa Baaq Nabadeed soo saaray Odaaysha & Waxgaradka Puntland ee ku nool magaalad Minasota ee dalka Maraykanka iyadoo u digay Siyaasiinta Qaska iyo Qalaasaha ay isaleeyihiin dantiina ayaad ku gaaraysaan ka bilaaabay Puntland gaar ahaan Caasimadda Puntland ee garowe.

234-2e

Odaaysha & Waxgaradka Puntland ayaa yiri “Maanta Qalalaase & iska hor imaad Puntland uma baahna,,haddii Shaqsi wadana ha ka waantoobo..”

Odaaysha & Waxgaradka Puntland ayaa sheegay inaysan maanta qaadanayn in iyadoo Abaar xun ay dalka ka jirto oo ay Duunyadii ku dhamaatay dadkuna ku dhibaataysan yihiin ay Shaqsiyaad dantooda u ordaya ay Qas iyo Qalalaase ka abuuraan Puntland.

Odaaysha & Waxgaradka Puntland ayaa qiray inuu Dhaqaalaha Puntland aad hoos ugu dhacay iyagoo u sababeeyey Abaarta iyo Dagaalka Joogtada ah ee Puntland lagu soo qaaday, waxayna ka codsadeen dawlada inay isku hawlaan inay Ciidamada Difaacu helaan Mushaarkooda.

Odaaysha & Waxgaradka Puntland ayaa waxay kaloo sheegeen inaysan waxba u soconayn dadka wax doonaya maadaama ay dadku arkaan waxay wadaan.

Ugu dambayntii Odaaysha & Waxgaradka Puntland ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inay ilaaliyaan Sharafta iyo midnimada Puntland maadaama ay Puntland tahay Hooyadii Federaalka, Hooyadii dawlada Soomaaliya ma ahan inaad yeeshaan in Shaqsi doonaya dantiisa gaarka ah inuu idinka Bur-buriyo.

Waxay kaloo Odaaysha & Waxgaradka Puntland ku dareen inay Puntland ku taagnayd sadex Tiir:

  1. Hay’addo dawli ah
  2. madax Dhaqameedka
  3. Rabitaanka Shacabka reer Puntland oo doonaya in maamulkoodu taagnaado, dalkooduna Horumaro

“Cidii Systemka Puntland kasoo horjeeda waa cid diidan hanaaka Federaalka iyo dawladnimada ee ay Soomaaliya qaadatay,,,maanta wax la burburiyo looma baahna ” ayey yiraahdeen Odaaysha & Waxgaradka Puntland

Iyagoo Odaaysha & Waxgaradka Puntland ee ku nool magaalad Minasota ee dalka Maraykanka kusii dareen inaan loo baahnayn Olole Doorasho oo xiligoodii kasoo hormaray

Daawo Baaq Nabadeed Odaaysha & Waxgaradka Puntland “Maanta Qalalaase & iska hor imaad Puntland uma baahna,,haddii Shaqsi wadana ha ka waantoobo..”

Puntlandes.com

About The Author