Daawo-Akhriso Go’aankii Golaha Guurtida Somaliland & Gudi la Magacaabay
4 marso 2017 (Puntlandes) Kullan ay maanta isugu yimaadeen Golaha Guurtida Somaliland ayey kaga doodeen muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.
Kullanka saaka oo uu Gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu gudoomiyuhu xildhibaanada ku wargeliyey in uu muddo kordhinta u saaray guddi kasoo talo bixisa muddada loo kordhin karo xukuumadda.
Gudoomiye Saleebaan ayaa ku dhawaaqay Guddi 21 mudane oo ka tirsan golaha guurtida oo uu u saaray in ay kasoo talo bixiyaan muddo kordhinta loo samaynayo madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici oo muddo xileedkoodu gabaabsi yahay,waxaana guddigan uu ku wargeliyey In ay laba cisho gudahood kaga soo jawaab celiyaan arrinka xamaasadda leh ee golaha guurtida horyaala ee muddo kordhinta ah.
Gudoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale sheegay in 2 cisho kadib ay xildhibaanadu ka doodi doonaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda marka ay guddigan la magacaabay kasoo jawaab bixiyaan hawshan loo igmaday.
Mudanayaashan gudoomiye Saleebaan u magacaaabay guddiga kasoo talo bixinta muddo kordhinta ayaa waxa ay kala yihiin magacyadoodu sida tan
- Siciid Jaamac Cali Gudoomiye ahna gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida
- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Xubin
- Maxamuud Xaashi Goobe Xubin
- Cawil Cismaan Maxamuud Xubin
- Axmed Nuur Aw Cali Aadan Xubin
- Xaaji Cabdikariin Xuseen Cabdi Waraabe Xubin
- Cabdiqadir Maxamed Xasan Xubin
- Cabdiqaadir Qawdhan Maxamed Xubin
- Dayib Xasan Axmed Xubin
- Siciid Cabdilaahi Askar Xubin
- Xirsi Ciise Jaamac Xubin
- Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug Xubin
- Siciid Xaaji Xuseen Muusi Xubin
- Muxumed Aw Axmed Xaaji Xubin
- Muuse Xaaji Cabdi Ducaale Xubin
- Muuse Aw Ibraahin Xubin
- Nuur Digaale Kheyre Xubin
- Cawil Xuseen Axmed Xubin
- Axmed Aadan Jirde Xubin
- Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh Xubin
- Yuusuf Cabdilaahi Cawaale Xubin.
Waxa la wada sugayaa go’aanka kasoo baxa guddigan ka kooban 21 xildhibaan ee loo igmaday in ay kasoo talo bixiyaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda madaxwayne SIilaanyo, iyadoo horay ay Xisbiyadu iyo madaxwayne Siilaanyo isugu raaceen in doorashada madaxtooyada la qabto 10.10,2017.
Puntlandes.com