Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lagu magcaabay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Gobolka Nugaal
4 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne Lr.22 ee march 03 2017 kuna saabsan magcaabis Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgeliyey Talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dawladdaha Hoose.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Calisalaad Diiriye Faarax loo magcaabay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal .
- Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta.
Puntlandes.com