Khatarta Abaarah Gobolka Mudug iyo Doorarka lakala qaatay (Sawirro+Warbixin).
Dhamaan gayiga ay dagaan inta Soomaaliga ku hadasha waxaa saamaysay abaar baahsan, waxaa ayna abaartaas halakaysay Naf iyo Maal, inkasta oo uu dhulku sii kala liito, Misna abaarta ayaaba loo baxshay laigama liito.
Gobolka Mudug oo kamid ah gobolada sida weyn looga dareemo abaarta, maadaama dadka ku nool ay yihiin Xoolo dhaqato ku nool xoolaha oo qura, gobolka waxaa meel kasta ku arkaysaa xoolo baqti ah, raga la warfaya duruufta haysatta qoyskooda, hooyo Gaajoonaysa iyo Ilmo dhamaad ah, khatarna ugu jira in ay gaajo u geeriyoodaan.
Dhamaan astaamaha ay reebaan amsiibooyinka Dabiicigaa ayaa lagu arkay Gobolka, Dad Oon udhimanay, kuwo xanuuno u dhimanay, kuwo gaasho iyo Nafaqa darro u dhimanay, oo yooyin Umul Raacay, abaayaal Waashay oo wali xir xiran, Kuwo Isdilay iyo dad Jaah wareer awgiis meel ay u dhaqaan garan la’a.
Hadaba iyada oo ay waxaas oo dhani ay jiraan ayaa waxaa feer socday dadaalo kala dheereeyey oo gurmad ah, waxaa ugu horayn kacay Gudigii dhalinyarada Gobolka Mudug wax badan balse aan dhibaatada wax weyn ka ahayn qabtay, waxaa kadib la dhisay Gudiga abaaraha Gobolka Mudug, waxweyn ayey qabteen balse waxba kama ahan dhibaatada jirta, Haatan waxaa kacay Gudi kooban oo isxilqaamay oo heer dagmo ah, una adeegaya dadka ku dhibaataysan Duleedka Magaaladda Gaalkacyo.
Gudiga abaraha gobolka Mudug.
Markii aad u dhagaysatid shacabka Gaalkacyo aad ayey u dhaliilayaan Gudiga, Dhaliilaha lo hayana waxaa ugu waaweyn dhaqaale xoog badan ayaa lagu tabayaa, misana tilaabooyinka ay qaadeen dadku kuma qanacsana wali.
Dhabaatada gudigaan haysatta ayaa ah, gudiga waa heer gobol, taas oo keenaysa in ay la masuugaan dhaqaalaha ay hayaan oo aad u yar markii dhibaatada loo fiiriyo, waxaa kale oo dhib ku ah Gar gar qaybsiga Soomaalida, oo dagmo kasta ay rabto inta ay heshay dagmada iyada lamidkaa.
Gudiga ayaa sidoo kale ka fakaraya marxaladda lagali karo haddii abaartu sii daba dheeraato ama lawaayo Roobkii Gu’ga oo lasugayo, taas qorshe uga baahan gudiga.
Isxilqaamayaasha Gaalkacyo.
Gudigaani waa xubno kooban oo uu hormuud u yahay Wariye Siciid C/lahi Kulmiye, ayna gudoomiye u tahay Hooto Abshire Salwe, karahaye iyo Saleebaan Ceegaag ayaa iyagun xubno muhiima ka ah gudigaan.
Gudigaan waxaa ay wax gacan ka heleen ganacsade wadaad ah, kaas oo ugu deeqay gaari weyn oo wax loogu aruurinayo dadka ku dhibaataysan duleedka magaaladda Gaalkacyo, sidoo kale waxaa ay gacan weyn ka heleen dhagtar Dhagacadde oo ugu deeqay daawo iyo dhaqaatiir, dadka caawisa.
Gudigaan waxaa kale oo ay kaalmo ka heleen Maamulka Dagmada, oo gurmadkii koowaad kala qayb qaatay.
Inta ay haatan gaareen qiyaatii 400 qoys ayey raashin iyo cunto gaarsiiyeen, in kabadan Kun Qoys ayaa Biyaha ka faa iidaystay, waxaana ay daawo gaarsiiyeen ugu yaraan 250 bukaan ah, oo qaarkood loo wareejiyey Isbitaalka GMC.
Dowladda Dhexe ee Puntland.
Dowladda Puntland waxaa ay ku deeqday lacag kaas ah iyo Biyo, waxaana ay dirtay Qayla dhaan caalami ah, ilaa iyo hadda ma jirto wax tilaabo muuqataa oo ay qaaday, markii laga hadlayo Gobolka Mudug.
Waxaa ay keentay Booyado biyo ah oo gaaeaya 640 booyadood, Biyahaas waxaa lasheegay in loo qaybiyey deegaanadda Gobolka Mudug iyo Mudug Sare (Ciid), markii aad waraysatid dadka u dhuun daloola waxaa la isla dhex marayaa in Biyahaas la musuq maasuqay, oo qaar kood la dhunsaday.
Gudiga Culimada Puntland.
Dhaq dhaqaaqoodu waa uu muuqday maal mihii hore, hase yeeshee muddooyinkii danbe waa ay isla aamustay, mana jirin tilaabooyin muuqda oo ay gudigaasi ka qaadeen Gobolka Mudug.
Waa gudiga lagu tabayo dhaqaalaha ugu badan in ay hayaan, waxaana lagu tabayaa in dadka wax bixiya oo dhani iyaga ay wax ku aaminaan, wali ma jiraan daad ku eedaynaya Musuq maasuq, waxaase la isla Qirsan yahay in aysan Culimadu gudbin dhaqaalihii gacantooda Soogalay oo dhan, ay wali wax badan gacanta ku hayaan, lana filayo in ay xaaladda darsayaan.
Xaaladda Hadda.
Haatan Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka taagan xaaladdii ugu adkayd Abid, waxaa duleedkeeda daadsan Baqtiga Xoolaha oo ay dugsanayaan, Boqolaal qoys oo aan awoodin in ay iska qaadaan Baqtiga, dhamaan xoolahoodiina ay dhamaadeen.
Dadkaas waxaa aad ugu badan oo tirsi lahayn, qoysaska aan 6 aqoolood wax Cunin, kuwo Cudurka haya aan hadli karin iyo Kuwo Murugadu Qalbigooda badashay, waxaana Hubaal ah haddii Aan Rabi Xal u keenin in ay xaaladdoodu aad u adagtahay.
Sawiradaan Hoose Waa koox iskood isu xilqaatay.