Shariif & Coboble oo sheegay inay dib u hawlgelinayaan Garoomadda Cisaley & Nr 50 & Dekadda Ceel Macaan
7 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo HirShabelle Shariif Xasan iyo Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in maamuladoodu ay dib u howl gelin doonaan Garoomadda diyaaradaha ee Nambar 50 iyo Cisalaey iyo Dekedda Ceelmacaan kuwaasoo ka mid ahaa Garoomaii iyo Dekaddihii macmalka ahaa ee shaqeyn jiray kaddib bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991dii.
Madaxweyne Cabdulaahi Cosoble ee Maamulka HirShabelle ayaa isagoo dhawaan booqasho ku tagay Dekedda macmalka ah ee Ceelmacaan iyo Garoonka Cisaley waxa uu sheegay inay ku bilaabeen dayactis ayna dhawaan hawl gelinayaan Dekedda iyo Garoon isagoo sheegay in Garoonka ay kasoo dejin doonaan Qaadka taga Muqdisho halka ay Dekeddana ay isticmaali doonaan Ganacsatada Muqdisho.
Maalmo kooban kadibna waxaa hadlay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo sheegay inay dayactir ku wadaan oo dhawaan ay hawl gelin doonaan Garoonka Nambar 50, iyagoo kasoo dejin doona Garoonka Qaadka.
Waxaa xusid mudan in la isticmaali jiray Garoomadaan iyo Dekedaan xiligii Dagaal Oogayaasha oo ay xirnaayeen Garoonka iyo Dekedda Muqdisho, iyagoo hadda shaqaynaya 10 sano oo la furay xiligii dawladii AUN Cabdulaahi Yuusuf.
Puntlandes.com